Hordhac:
Guul iyo guuldaro waa labada weji ee
uu aadanuhu kala kulmo nolosha, sida caadiga ahna guuldarada ayaa ka badan
guusha ay dadku gaaraan, oo xitaa inta guuleysata ayaa u badan in marki hore
guuldaroyin la kulantay, deedaal badan oo ay sameeyeena kaga gudbey
guuldaroyinkaas, inad guuldaraysato waxay ku tusaysaa wadadii aad ku guuleysan
lahayd. Waxaan qormadaan kaga hadlaynaa 12ka ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn
ee sababa in uu qof guuldaro la kulmo.
1. NOLOL AAN LAHAYN UJEEDO CAD:
Rajo
uu ku guuleysan karo ma jirto qof aan aqoon yoolka uu doonayo in uu gaaro,qofka
inu lahaado ujeedo cad oo uu u noolyahay waxa ay ka caawinaysa in uu guul ka
gaaro ujeedadisas, in ka badan 90% dadka guuldaraysta ay sababtodu noqotaa in
eysan lahayn ujeedo nololed oo cad.
2.
HIMMAD IN AYSAN U HAYN IN AY DADKA KALE KA SAREMARAAN:
Waa
adagtahay rajada horumar ee qofka aan aqoon waxa u goonida ah ee uu doonayo in
uu dadka dheeraado , oo misana aan doonayn in uu dedaal geliyo.
3.
AQOON YARI:
Tani
waa curyaanumo dedaal looga bixi karayo, waxa la sheegaa dadka kuwa ugu aqoonta
badan in ay yihiin kuwa iyagu wax is bara. Aqoonyahan in la noqdo waa ay ka
weyntahay in school la dhameyo, aqoonyahanka dhabta ahi waa kan aqoonta u leh
sida uu kun heli karayo waxa uu doonayo noloshisa isaga oo aan cidna dhaawicin.
Waxbarashadu ma aha barashada wax badan balse waa adeegsiga waxa aad baratay,
dadka waxaa lagu mushaharsiiyo ma aha aqoontooda ee waa waxa ay ku qabtaan
aqoontooda.
4.
SAAMAYN DEEGAAN OO CARRUURNIMO, OO AAN HABOONAYN:
“Sida
laanta loo qalloociyo ayaa ay ku weynaataa.” Dadka ugu badan ee dambiyada
geysta waxaa keena deegaan xun oo ay kusoo koreen iyo dad xun oo ay ka ag
dhowaayeeen.
5.
NAF KA ADKAANSHO LA’AAN:
Qofku
in uu anshax leeyahy waxa ay ku timaadaa waa in uu naftisa ka adkaado, inta
aadan isku deyin in aad ka adkaatid arimaha kula soo gudboonaada ee nolosha,
ugu horrayn waa in aad naftaada ka adkaatid waa shaqada ugu adage e uu qofku
kazoo bixi karayo. Hadii aadan naftaada ka adkaanin naftaada ayaa kaa
adkaanaysa adiga.
6.
DIB-DHIGASHO:
Tani
waa waxa kowwad ee guuldarad keena. Cadow la yidhahdo dibdhigasho ayaa qof
waliba wadada u taagan oo sugaya in uu fursad kasta dhaafiyo, inteena badan
nolosha guuldaro ayaa ay ku dhamystaan iyaga ooo sugaya xiligii ku haboona ee
ay waxqabad isku deyi lahaayen. Ha sugin, weligaa xiligii ku habboonaa ma kuu
imaan doono, halka aad hada ku sugan tahay ka bilow, ku bilow wixii aad heli
kartid, wax walbi waa ay kasii hagaagayaan markii aad bilwdid.
7.
DHABAR ADAYG LA’AAN:
Dadka
inta ugu badani waa bilaaabayaal fiican
balse inta dhamaysa waxa ay bilaabeen waa ay yaryihiin, tan labaad dadka
intooda badani waa ay u nugul yihiin in ay ka quustaan markii ay guuldaro yar
la kulmaan. Wax u dhigma dhabar adaygida ma jiraan, qofka dhabaradayga ayaa
marka dambe ogaada in uu ka adkaaday guuldaradii oo guuldaradu wadadi u
banaysay.
8.
SHAKHSIYAD XUN:
Ma
jirto rajo guul oo uu yeelan karayo qofka dadka dhami ay kaga cararayaan
shakhsiyad xumo. Guusha awood ayaa lagu gaaraa, awoodana wada shaqayn iyo gacmo
is kaalmaysanaya ayaa lagu gaaraa. Qofka shakhsiyad xumi cidna wada shaqayn
lama yeelan karo.
9.
RABITAAN AAD AH OO AH “ IN ADIGA OO AAN WAXBA KAA BIXIN AAD WAX
HESHID”
Waa
wax aka dhigaysa khamaartanka wax aad loogu yaacay. Waa waxa keenay in
malaayiin qof tartiib tartiib ugu khamaartamaan wixii ay haysteen oo dhan.
10.
TAXADAR ( IS ILAALIN) TIRO BADAN:
Qofka
aan lahayn dhiiranaan eek a baqa isku dayga, waxa uu helaa waxa dadka kale ka
tageen ee hambada ah, halka dadku ay helayaan waxa ay iyagu doorteen ee ay ku
dhiiradeen isku daygiisa. Sida taxadarka yari uu halis u yahay ayaa taxadarka
badan iyo wax walba oo laga baqo ay halis u tahay qofkana horumarka uga hor
istaagtaa.
11.
KU DEDAAL LA’AAN WAX GOONI AH:
Meel
walba ayaa aan far kula jiraa, waa waxba kuma fiicni. Dedaalkaaga geli yool
gooni ah oo aad doonaysid in aad gaartid.
12.
AWOOD AAN LOOSOO JABIN:
Wiilasha
iyo gabdhaha ay dhaleen dadka hantida badan
iyo dadka hantida dhaxla ee aan
iyagu abuuran waxa ay sababtaa guuldaro waayo waa hanti aan dhib lagu helin ee
qof kale shaqaystay. Awood ku jirta
gacan aan samaysan awoodaas waa halis. Hanti hal mar la helo ayaa ka halis
badan saboolnimada.
Dhamaan
qodobada aan kor kusoo sheegnay iyo kuwo kale oo badan oo aynaa halkan ku
xusinba waxa ay sababaan guuldaroyin, hadaba
adiga ahaan ma jiraa mid ama labo ka mid ah kuwan ama kuwo kale oo aad isku aragtay? Hadii ay jiraan keliya inad iyaga ka takhalustid ayaa kaa
xigta guusha.
No comments:
Post a Comment