Tuesday, 23 January 2024

SABABAHA UGU WAAWEYN EE KEENA GUULDARADA

 

Hordhac:


Guul iyo guuldaro waa labada weji ee uu aadanuhu kala kulmo nolosha, sida caadiga ahna guuldarada ayaa ka badan guusha ay dadku gaaraan, oo xitaa inta guuleysata ayaa u badan in marki hore guuldaroyin la kulantay, deedaal badan oo ay sameeyeena kaga gudbey guuldaroyinkaas, inad guuldaraysato waxay ku tusaysaa wadadii aad ku guuleysan lahayd. Waxaan qormadaan kaga hadlaynaa 12ka ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee sababa in uu qof guuldaro la kulmo.

1.     NOLOL AAN LAHAYN UJEEDO CAD:

Rajo uu ku guuleysan karo ma jirto qof aan aqoon yoolka uu doonayo in uu gaaro,qofka inu lahaado ujeedo cad oo uu u noolyahay waxa ay ka caawinaysa in uu guul ka gaaro ujeedadisas, in ka badan  90%  dadka guuldaraysta ay sababtodu noqotaa in eysan lahayn ujeedo nololed oo cad.

2.     HIMMAD IN AYSAN U HAYN IN AY DADKA KALE KA SAREMARAAN:

Waa adagtahay rajada horumar ee qofka aan aqoon waxa u goonida ah ee uu doonayo in uu dadka dheeraado , oo misana aan doonayn in uu dedaal geliyo.

3.     AQOON YARI:

Tani waa curyaanumo dedaal looga bixi karayo, waxa la sheegaa dadka kuwa ugu aqoonta badan in ay yihiin kuwa iyagu wax is bara. Aqoonyahan in la noqdo waa ay ka weyntahay in school la dhameyo, aqoonyahanka dhabta ahi waa kan aqoonta u leh sida uu kun heli karayo waxa uu doonayo noloshisa isaga oo aan cidna dhaawicin. Waxbarashadu ma aha barashada wax badan balse waa adeegsiga waxa aad baratay, dadka waxaa lagu mushaharsiiyo ma aha aqoontooda ee waa waxa ay ku qabtaan aqoontooda.

4.     SAAMAYN DEEGAAN OO CARRUURNIMO, OO AAN HABOONAYN:

“Sida laanta loo qalloociyo ayaa ay ku weynaataa.” Dadka ugu badan ee dambiyada geysta waxaa keena deegaan xun oo ay kusoo koreen iyo dad xun oo ay ka ag dhowaayeeen.

 

5.     NAF KA ADKAANSHO LA’AAN:

Qofku in uu anshax leeyahy waxa ay ku timaadaa waa in uu naftisa ka adkaado, inta aadan isku deyin in aad ka adkaatid arimaha kula soo gudboonaada ee nolosha, ugu horrayn waa in aad naftaada ka adkaatid waa shaqada ugu adage e uu qofku kazoo bixi karayo. Hadii aadan naftaada ka adkaanin naftaada ayaa kaa adkaanaysa adiga.

6.     DIB-DHIGASHO:

Tani waa waxa kowwad ee guuldarad keena. Cadow la yidhahdo dibdhigasho ayaa qof waliba wadada u taagan oo sugaya in uu fursad kasta dhaafiyo, inteena badan nolosha guuldaro ayaa ay ku dhamystaan iyaga ooo sugaya xiligii ku haboona ee ay waxqabad isku deyi lahaayen. Ha sugin, weligaa xiligii ku habboonaa ma kuu imaan doono, halka aad hada ku sugan tahay ka bilow, ku bilow wixii aad heli kartid, wax walbi waa ay kasii hagaagayaan markii aad bilwdid.

7.     DHABAR ADAYG LA’AAN:

Dadka inta ugu badani waa  bilaaabayaal fiican balse inta dhamaysa waxa ay bilaabeen waa ay yaryihiin, tan labaad dadka intooda badani waa ay u nugul yihiin in ay ka quustaan markii ay guuldaro yar la kulmaan. Wax u dhigma dhabar adaygida ma jiraan, qofka dhabaradayga ayaa marka dambe ogaada in uu ka adkaaday guuldaradii oo guuldaradu wadadi u banaysay.

8.     SHAKHSIYAD XUN:

Ma jirto rajo guul oo uu yeelan karayo qofka dadka dhami ay kaga cararayaan shakhsiyad xumo. Guusha awood ayaa lagu gaaraa, awoodana wada shaqayn iyo gacmo is kaalmaysanaya ayaa lagu gaaraa. Qofka shakhsiyad xumi cidna wada shaqayn lama yeelan karo.

9.     RABITAAN AAD AH OO AH “ IN ADIGA OO AAN WAXBA KAA BIXIN AAD WAX HESHID”

Waa wax aka dhigaysa khamaartanka wax aad loogu yaacay. Waa waxa keenay in malaayiin qof tartiib tartiib ugu khamaartamaan wixii ay haysteen oo dhan.

10.                        TAXADAR ( IS ILAALIN) TIRO BADAN:

Qofka aan lahayn dhiiranaan eek a baqa isku dayga, waxa uu helaa waxa dadka kale ka tageen ee hambada ah, halka dadku ay helayaan waxa ay iyagu doorteen ee ay ku dhiiradeen isku daygiisa. Sida taxadarka yari uu halis u yahay ayaa taxadarka badan iyo wax walba oo laga baqo ay halis u tahay qofkana horumarka uga hor istaagtaa.

11.                        KU DEDAAL LA’AAN WAX GOONI AH:

Meel walba ayaa aan far kula jiraa, waa waxba kuma fiicni. Dedaalkaaga geli yool gooni ah oo aad doonaysid in aad gaartid.

12.                         AWOOD AAN LOOSOO JABIN:

Wiilasha iyo gabdhaha ay dhaleen dadka hantida badan  iyo  dadka hantida dhaxla ee aan iyagu abuuran waxa ay sababtaa guuldaro waayo waa hanti aan dhib lagu helin ee qof kale shaqaystay. Awood ku  jirta gacan aan samaysan awoodaas waa halis. Hanti hal mar la helo ayaa ka halis badan saboolnimada.

 

Dhamaan qodobada aan kor kusoo sheegnay iyo kuwo kale oo badan oo aynaa halkan ku xusinba waxa ay sababaan guuldaroyin, hadaba  adiga ahaan ma jiraa mid ama labo ka mid ah kuwan ama kuwo kale  oo aad isku aragtay? Hadii ay jiraan  keliya inad iyaga ka takhalustid ayaa kaa xigta guusha.

Monday, 22 January 2024

Maamulida Waqtiga

 


Hordhac.

Waqtiga waa waxa ugu muhiimsan ee aan haysano, sido kale waqtiga lama maareyn karo lamina bedeli karo ee waa laga faaideysan karaa.

Waqtiga oo si fican looga faaideysto iyo waqtiga oo la dayaco waa waxa kala duwanaanshiyaha dadka ee mestaqbalka sababta.

Hadaba si aad waqtiga uga faideysato kaagama baahna hanti iyo wax aad u culus ee keliya waxaad u baahan tahay inaad raacdid talaaboyinka aan hoos kuugu sheegi doona, waa jadwal diyarsan oo aad si fican uga faideysan kartid waqtigaga, una horumarin kartid naftdaada dhinac walba.

Sidee ayan u kala qorshaynaa waqtiga?

Waqtiga waxan u kala qaybinaynaa lix qaybood, soo qaado bug ama lasoo deg appka google calendar ka dibna waqtigaga u kala qaybi lixdan qaybood

1.      4:00 AM ILAA SALAADA SUBAX:

Maalintaada hakuu bilaabanto inteey dadka hurdaan kazoo kac hurdada ugu dambayn 4;00 am oo ku bilow maalintaada cibaado adigoo tukanaya salaatu layl sido kale akhrisanaya quraanka ama xifdinaya xiligaas badanaa dadka wey hurdaan keliya waxaa soo kaca kuwa ilaahay jecel yahay iyagna jecel.

2.     SALAADA SUBAX ILAA DUHURKII:

Waqtigaas waa waqtiga ugu muhimsan maalintada ee aad ku qaban kartid hawlaha ugu muhimsan malintaada haduu kaa dayacmo ogow maalintada dhan iney daycmatay, waqtigaa labo u qaybi, kow salaada subax ilaa 7:00am samayso caadooyin yaryar oo aad qabato sida gym, bug akhris, adkaaru sabaax, biyo cab iwm, qaybta labaad 7:00 ilaa duhurkii waa xiliga shaqada ama aad waxbarashada aadeyso ee ugu muhimsan.

3.     DUHUR ILAA CASAR:

Waqtigan waa xili aad iska daalan tahay hadii aad jaanis helayso xooga yara hurud oo nap qaado sababto ah ama waxbarasho ayad ka timi ama shaqo ayad ku jirtey, ama waqtigan kaga faideyso inad noloshada wax cusub kusoo kordhisid sida, inaad il dhaqaale oo ah inad ganacsi online samaysid ama SIDE HUSTLE samaysato sida inad blog furato oo aad articles kusso daabacdo ama inad baratid xirfado cusub.

 

 

4.     CASAR ILAA MAQRIBKII:

Waxaa la dhahaa society time waa waqtiga bulshada lala qaato sababto ah ibnuaadamku waa dad bulsho ku nool a oo kama maarantid inad bulshada ku dhecx jirtid  xoogaa saaxibadaa waqti la qaado ama familkaaga  ama meelaha soo socsoco maadaama manta dhan aad fadhidey ama kubad iyo sports aad.

5.     MAQRIB ILAA CISHAA:

Kaga faaideyso inad ku barato diintaada oo aad qaadato casharo diini ah ama quraanka aad murajicayso hakuu noqdo waqti aad diinta barato.

6.     CISHAA ILAA 10:00PM

Cishaa ka dib ha isku deyin inad hawlo qabatid sababto ah jirkaga wuu daalanyahay xiligaa familkaga, carurtada ama xaaskaaga waqti la qaado oo la sheekayso ka dib night routine kaaga sameey saacad ka hor intaadan seexan mobelka iska fogee

Ka dib soo qaado warqad yar oo ku qor  lix hawlood ama shaqo ee kuugu muhimsan barito ka dib maalintada u kala qabo shaqoyinka sida ay u kala muhimsan yihiin, ka dib soo weyso qaado adkaarta jiifka akhriso ka dib seexo adigoo dadka oo dhan iska cafiyey.

 

 

Hadii aad sidey tahay ugu dhaqantid jadwalkaan  waxaa hubaal ah inad isbedel weyn samynysid mudo kooban gudaheed.

 

mahadsanidin

SABABAHA UGU WAAWEYN EE KEENA GUULDARADA

  Hordhac: Guul iyo guuldaro waa labada weji ee uu aadanuhu kala kulmo nolosha, sida caadiga ahna guuldarada ayaa ka badan guusha ay dad...